Waxyaabaha uu sameeyo wakiilka dadka tirada, marka ay jiraan arrimo takoorid ahMarkay jiraan arrimo takoorid ah wakiilka dadka tirada yar wuxuu awoodaa
Sida nidaamku yahay xafiiska wakiilka dadka tirada yar wuxuu bixiyaa talooyin, haddii loo baahdana wuxuu qaadaa talaabooyinka lagama maarmaanka ah, tusaale ahaan isagoo dalbanaya in cidda takooridda looga shakisan yahay soo gudbiyaan caddaymo siday wax u jiraan ah, qolyo kala duwanna wuxuu ka dalbadaa wixii warar dheeraad ah ee jira. Wakiilka dadka tirada yar wuxuu leeyahay xuquuq ballaaran oo ah inuu warar balaaran heli karo, xitaa iyadoon xeerarka sir ahaan u hayntu horistaageyn ayuu kuwo kala duwan oo shaqaalaha dowladda ah ka heli karaa warar. Marka warbiximaha siday wax u jiraan ah la soo gudbiyo wakiilka dadka tirada yar warbixin ayuu arrinta ka dhiibaa, haddii loo baahdana qolada eedda laga sheeganayo ayuu siiyaa tilmaan ama digniin ah in takooridda la joojiyo. Wakiilka dadka tirada yar shirci ahaan awood uma laha inuu qof shaqaale dowladeed ah faro siday tahay inuu qofkaas shaqaalaha ahi u shaqeeyo, tusaale ahaa, siday tahay in codsiyada falanqayn loogu sameeyo, ama sida ay tahay in codsiyada falanqayntooda loo kala hor mariyo ama go’aanka la gaarayo waxa uu noqonayo. Sidoo kale wakiilka dadka tirada yar ma awoodo inuu beddelo go’aan uu qof kale oo shaqaale dowladeed ahi gaarey. Qofka khaladka tabanayaa isagaa ka fekeraya oo haddii uu rabo arrinta u gudbinaya ** guddiga takooridda ** . Arrimaha qaarkood xafiiska wakiilka dadka tirada yar dadka way ka caawiyaan samaynta codsiga arrinta loogu gudbinayo guddiga takooridda. Sida caadiga ah nooca caawimada ee xagga sharciga (oikeudellinen apu) waa taloahaan, laakiin wakiilka dadka tirada yar wuxuu qofka ka caawiyaa, siduu qofku xafiiska qareemada caawimadda guud ama qareemada barayfitka ah uga heli lahaa qareen sharciyaqaan ah oo caawiya. Waxaa jira arrimo aad dhif u ah oo ay suuragal tahay inuu wakiilka dadka tirada yar qareen u noqdo ama qof shaqaalaha xafiiskiisa ah qareen uga dhigo qofka asalkuu ka soo jeedo dartiis takooridda loogu sameeyey, ama uu isaguqareen u qabto. Marka sidan la samaynayo waxaa shardi ah, in arrintu tahay mid xagga ka hortagga takooridda asalka ku salaysan u leh macno aad u ballaaran. Dib u noqo bogga soo saaro (soo baxso) |