Wakiilka dadka tirada yarWakiilka dadka tirada yar waa shaqaale dowladeed, shaqadiisuna waa inuu horumar ku sameeyo jagada, xuquuqda sinnaanta iyo xuquuqda badbaadada ee dadka asal ahaan kooxa yar yar ka soo jeeda iyo dadka ajnebiga ah, isla markaasna wuxuu horumar ku sameeyaa Finland gudeheeda xiriirada wanaagsan ee dadka asal ahaan meelo kale ka soo jeeda.
Wakiilka dadka tirada yar waxaad la soo xiriiri kartaa si uu kuu caawiyo, haddii tusaale ahaan adiga shakhsi ahaantaada asalkaad ka soo jeedo dartiis takoorid laguugu sameeyey ama haddaad sideedaba dareento in takoorid jirto. Arrimaha takooridda ku saabsan iyo arrimo kale dartoodba waxaa telefoon loo soo diri karaa xafiiska wakiilka dadka tirada yar qaybtiisa u adeegidda macaamiisha tel. 071 878 8666 (maalmaha shaqadu jirto saacadaha 10-12).
Wakiilka dadka tirada yar wuxuu ilaaliyaa, in takoorid la’aantu u hirgasho si waafaqsan sida uu dhigayo sharciga xuquuqda sinnaanta, wuxuu kaloo ilaaliyaa sidii ay u hirgeli lahaayeen xuquuqda ay dadka ajnebiga ah leeyihiin. Wakiilka dadka tirada yar wuxuu u shaqeeyaa uuna habab kala duwan saamayn ugu yeeshaa sidii looga hortegi lahaa takooridda qofka asalkuu ka soo jeedo dartiis loogu sameeyo, wuxuuna horumariyaa sidii loo heli lahaa xuquuq sinnaan ah, takooriddana wax buu ka qabtaa isagoo warbiximo ka bixinaya iyo isagoo hadallo ka dhiibanaya.
Wakiilka dadka tirada yar jagadiisu waa mid madax bannaan oo aan cidna ku xirnayn. Maamul ahaa xafiiska wakiilka dadka tirada yar wuxuu ku yaallaa wasaaradda arrimaha gudaha.
|
